muxuu kalgaccayl iluray
kashayda nugleeyayoo
muxuu koora jaan isudhay
maxaan kohashada jacayl
ha kaadsan naftayda faray
midkaan kaligii jeclaa
kal iyo laab dooni jiray
anoo kulankiisa raba
korkiisa markii aan imid
maxaan kari waayay eray
kalsooni abuuri kara

ilayn qalbi uu karsaday
jacaylku kulaalayo
kadeed iyo hawlo baday
kifaax uma lado hurdada
hadaan kii kale la korin
midkaan kantayee calmaday
kun iyo kaw jeeer aan tbay
anoo kaftankiisa raba
korkiisa markii aan imid
maxaan keri waayay eray
kalsooni abuuri kara

Exit mobile version