anigoo lilaahiya
oo jecel lamaaniyo
inaan gaadhno liibaan
adigaa ku loofaray
ruux kale u leexdoo
laalay himaladeenii
anuu libintii caashaqa
liibaan ka gaadhaye
adna laaca beenta
ka luloo hasii dayn

anoo laabta kuu culay
oo jecel lur iyo ciil
ina aanad ku laasimin
adigaa iska laba dhacay
laba noqoshadaaduna
adigay lugooyiyo
kugu tahay lur iyo ciil
anoo libintii caashaqa
liibaan ka gaadhay
adna laaca beenta
ka luloo hasii dayn

Exit mobile version