hadaad kalgacaylka xoortay
jacaylkii hadaad xabaashay
xadhkaha wacadkii u goysay
anigu xumo kuuma quudho
hankayga kamaad xaroobin
kashayda kamaad xaaqmin
xusuustaydiyo dareenka
kamaad xalin waaxyahayga
halkaad xadantada ku beertay
xanuunkii kama dhamaanin
xalaal baan kuu jeclaayee
hadaad samihii xaraashtay
nabsigu xoog kuuma waayo
xaqayguna baaqan maayo

jacaylkaan wada xer gaynay
xiliga dheer wada dhisaynay
haduu kula xubin yaraaday
aniga xaashee i qaaday
xubigu igu fogaaday
xiskiibuu iga abaaray
wuxuu xulay diirka hoose
naftaydana wuu xamaashay
halkaad xadantada ku beertay
xanuunkii kama dhamaane
xalaal baan kuu jeclaaye
hadaad samihii xaraashtay
nabsigu xoog kuuma waayo
xaqayguna baaqan maayo

Exit mobile version