Jacayl waa dhibaatoo
Ruuxuu jilbaha u dhigo
Jaah wareer ma daayoo
Qalbiguu ka jabiyaa
Jismiguu wax yeelaa
Markuu adiga kaa jaro
Kuuma jiidh naxaayo
Jaahilbaan ogsoonayn
Jilmisiyo abeesiyo
Intaan jiidhay kaymaha
Dhex jibaaxay awgaa
Adiguna jabkaygaad
Jees jees ka dhigataa
Jooji hadalku yuu noqon
Aan gorfaynay xaajada
Saro joogsigaagiyo
Jaahaaga quruxda leh
Adna jamashadaydoow
Kama jeesan karayoo
Naf kuu jeelanbaan ahay
Jiro weeyi caashaqu
Ha ii jarayn cadaawaha
Neceb wada jirkeenoo
Jirjiroole weeyee
Jacayl waayo soo jiray
Uga go'ay jidiinkee
Hala jilin waxaan jirin
JALIILKAA u jeedee
Soo joogso wiilyahaw
Ha jaleecin meel kale
Hoheey adigoon jidba u furin
Hohery Jawaabtaadu yay noqon
Kuu jaray xidhiidhkii