ku jecli beerkiyo wadnahana kaa jecli
intaad uunka joogtana ku jecli
dareen kalgacal ila jaar
oontii dhamaan iga jooji
hurdada gama iga jar

hadaan jiifiyo hadaan soo jeedo
qalbiga niyadaad igaga jirtaa

jantay ku jantay dookhiyo naftayda
ku jantay unugyada jidhkayga
kuu jeelan
adoon fogayn ila jooga
bogiyo laabtaydan jiibso
dareenka kalgacayl ila jil

Exit mobile version