sida laac ugaadh
dabin loo dhigoo
lugta kula dhacdaan
koso leeyahayee

lurta caashaqeen
cidi loodin karin
baan la dhex loolayaa
kaan lahashadeen
u lulmaday dartii
kama leexanine

intaan luudayaba
isna waa ila luge
miyaanu ladhkuba
lubigiisa galin

sidii laydh kaliil
hanfi leeftay cuud
hadhka laga gashaan
kolba law fidasane

ruuxaan laabta kale
liishaan ku maqan
luftankeeda garan
looma caal heloo
meelaan lagu lagdamin
kuma helo libtee

Exit mobile version