Naf idiidan baan
Daba cararayaa dhe
Qof idayriyaan
Deeq ufidiyaa dhe
Ruux iduriyaan
Dareen kula hurdaa dhe
Han idaayacaan
Dirqi kula socdaa dhe
Dabin la ii dhigaan
Ka dul boodayaa dhe
Habeenkoo damaab
Ku gudaa dayaxa
Anoo daalan baan
Misna daba socdaa dhe
Rajo durugtay baan
Iga durugtay baan
Dardar galinayaa dhe
Dookh habaabay baan
Wali daydayaa dhe
Qalbi dooxmay baan
Aad dooxday baan
Dabiibkiisii rabaa dhe
Dareenkii lumaan
Wali daydayaa dhe

Exit mobile version