hadii yididiiladiyo anbada yoolkii cishqigu
xusuusta yarayso oo nafaydaay yeel cidlada

yabaalka ku haysta iyo ilow yoolka badan
nolosha yabyabo mar kale yagleel farxadaadi hore

ifkaa yaabiyo naxdina nasiibkaa sidaa yidhee
yaqiinso wixii dhacoo adkaysi u yeelo abid

hadaad yu'ato qof tagay aday wax ku yeelaysa
walaac ha la yuururinee naftaydaay daa yaxyaxa

yuhuuntu ha raysatee intaad yur tidhaa cishqiga
yakee qalbigoo u diid yabooha qofaan ogayn

Exit mobile version