qaldanaa yarkani qasab doonsanaa
quruxda igu taal ku qamuunsanaa
qorshahaan wadnaa is qilaafsanaa
QAADIRBAA xaqaye qiiraysanaa

qasdigaan arkaa qiiro dhaafsanaa
qaabkuu rabaa qardo jeexsanaa
qawlkuu yidhaa ka qaloocsanaa

ala qayaysanaa qandho beersanaa
qarawbaa hayaa qar ka boodsnaa
qushaylsanaa qaxar doonsanaa
quusaan idhee qosol doonsanaa

waxaan loo qirayn u qandoodsanaa
anoon qiil u hayn iska qanacsanaa
qalbi aan la jirin u qidmaysanaa
quud aan lahayn qormo oodsanaa

samo qaadoo quuso diidanaa
muxuu qoolayaa qiso yaabsana
qanac diidana qarka joogsanaa

Exit mobile version