ma yalbaa ma yawbaa
yurun yur yaxaasiyo
raxan yool tamaysaa

intuu igu yoomuu
yeeshaba adkeeye
yeeraha dushiisiiyo
cirka iiga yeedhee

halayaabin yuhashada
midaan kuguu yuhuunte
yaalayuunka caashaqa
yaadinaysa adigoon

ma yacbaa ma yurbaa
waxaa soo yul hamasoo
cidla aan u yuubanahay

waxan yaraystaba ma igu
yool adkaadoo aramidu
iyeelaan la yuglaynayaayo

Exit mobile version