cirkoo da,ay
dhuul doog
dul iyo dooxa wada simay
daymada jaleecada
ishu say u doontaa
ana kuu daneeyaa
naf ku doorataan
kula daba socdaayeey
dookhiyo hankuna
kuma dayn karaayaan
dawaad ii tahee
haygu dayrin caashaqa

haduu dakharka caashaqu
dubaaqiyo qalbiga dago
doogtiisa aramida
danqashiyo xanuuniyo
diif lagama waayee
anigana dirquu
igu daadahshaayoo
dooqiyo hankuna
kuma dayn karaayaan
dawaad ii tahee
haygu dayrin caashaqa

Exit mobile version