buuraha yidi waa culays
dhulkuna wuu soo cesho
cidhka ka ilmeeyayee
caashaqu yuu kula yaraan

codkaaguna waa dabiib
wuxuu caafimadiyaa
naftan cisbitaal jacayl

wadnihii cabashada badnaa
wuxuu yidhi ciiltiro
ma rabo cabitaanka iyo
cunto aanad isiin adigu

hadaan iga caawinayn
dunidan waayaheeda culus
caqligaa yidhi waa qabyo
noloshu waa cidhib la'aan

jawiga oo iga cakiran
wuxuu caadi ii noqda
cawayska aan ku soo arke

wadnihii cabashada badnaa
wuxuu yidhi ciiltiro
ma rabo cabitaanka iyo
cunto aanad isiin adigu

Exit mobile version