raali galinta aadmiga
ruuxna gaadhi waaye
ana kaama raystee
kaa daba rucleeya

u roonow naftaydan
duhuu ku raaciyay
niyad kuu riyaaqdiyo
rabitaanka qiimee

igu mudan ragaadkuye
igu raag xanuunkii
aan ka raysto gocoshee
ila raadi aayaaha

rabaysiman garaad siman
aan u raadinaayaaa
adna waad i reebtee
kaa daba rucleeya

runta sheegi lahaydaa
raad kaama raaceen
rogrogaasha hadalkuna
raga uma fiicnee

Exit mobile version