VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Been ha dhisin - Lyrics

Dhaaxaan adigoo i dhaafsan Hadana dadka kaa dhawaystay Adoo tagay oo dhaqaaqay Dhaaxaan samir weheshanaayoo 2x Ku dhawray anigu ku dhawray Adiga dadka kaa dhawaystay Intaan kugu dhigay bogayga Kuu dhiiboo naftoo ku siiyay 2x Haduu axdigii dhexdeenu Dhankaaga ka liicay maanta Qalbigan dhaawacan ku diiday Anoo tii hore la dhuuban Mar kale been ha i dhansiinin 2x Ala been been Mar kale been been Ha i dhansiinin 2x Xiskaaga intaan tabcaayay Hadaad dabin ii dhigaysay Anoo kugu dhaadanaaya Hadaad samo dhaadi wayday Waar hadaad samo dhaadi wayday 2x Ku dhiibshay anigu Ku dhiibshay Kaskayga markaad dhaliishay Inaadan caruurta dhaamin Ayuu dhaqankaagu sheegay 2x Haduu axdigii dhexdeenu Dhankaaga ka liicay maanta Qalbigan dhaawacan ku diiday Anoo tii hore la dhuuban Mar kale been ha i dhansiinin 2x Ala been been Mar kale been been Ha i dhansiinin 2x
Queue is empty
-- / --