hanaan wacanay filkaaga hablaha gayigeena jooga adaa hodan heelan maanta harmuud unoqdoo hagaaya x2

dadaal iyo himilo dheer dantiyo rajadaad leheed libtiyo guushii guushi heshee kun jeer hambalyaan kuleenahay x2

haldoor baad tahay dhabtii daryeel iyo hool karnimo hogaan bulshadaad utahay ducaan hodan kugu ladhnee hibada meel wacan ku gaadh x2

kartida hamigaaga fiican nasiib wacan hoodadaada xilkii loo wada hardamay aduu rabi kuu hibeeyay x2

guushii loowada haraaday hadaad heer sare ka gaadhay
dadkii ku hareera joogay hantaaqiyo ciil ka dhoor x2

haldoor baad tahay dhabtii daryeel iyo hool karnimo hogaan bulshadaad utahay ducaan hodan kugu ladhnee hibada meel wacan ku gaadh x2

Exit mobile version