markaan gaar iskula shiray
nafta gooni ula faqay
talo waxaan ku gaadhan
kuuso gudbinayaa

sida gaban jacaylka
soo gardaadinaya
soo daadihinaya
adna so gowracaysa

markaan garab ku soo biday
gacan kaama heline
dhaba danoo adaa ii digay

midho geed saro ku yaal
shalaad goosan wayde
inaad maanta gurataa
geli weeye kaa tagay
geli wiilo kaa tegey

hadii aan gayaaniyo
kuu haysto gacaloo
gogol laabta ku dhigay
iga guur jacaylkii

ma habsaamay guushan
geedigaan u raranoo
kuma gooynin aniguye
adiga igees maray

nafsii gambis weeyo
waa soo gadooma
gadaal kaaga soo baxa

Exit mobile version