qalbi kaa janjeedha
ilayn soo ma jeesto
kuuma jiir naxaaye
xujo aan dhamaaniyo
jikaar lagama waayo

naf jacayl la ooyday
loo jaray xidhiidhkii
jawigoo barwaaqa
jiilal ku noolayd
iyo ruux jeel ku jira
isma darajo dhaaman

jaba waxa ka jooga
jiiray la kulantoo
jaahisa aragtana
miyay jiifsan karaysa
jirjirkaba miyay dhigaysaa

iuadoo jawaab helin
jidiin kama dagaao
jiro iyo xanuun iyo
jahanama ka kulula

afku juuq ma daaye
dhagtu jalaq ma siiye
rajuunbay ku nooshahay
naftu jecela waxan jirin

meel aan jaantu gaadhibay
jidkeedi ay haysaaye
ilayn joogi mayside
may garan u jeedkiye
jar inaay ka lulato
caasaq beena in lala jilay
ka jaqaafi lagu yidhi

Exit mobile version