Miyaa ruux waxa jira
Xiligiyo wakhtiga
Warba aan u hayn
Wehel laga dhigtaa
Miyaa laba wajiilaha
Damac waalayee
Weec weecad badan
Cishqi lala wadaa
Qof ku waaniyaa
Wadiiqada xumaan
Kaa waabiyee
Samihiyo wiil yahay
Samihiyo farxadaa
U wel banee
Miyaa waayo joog
Wacnaanada jacayl
Wadnihiisa baran
Wacad lala galaa
Miyaa ruux wanaag
Ka waydaartayoo
Ka anbaday wadada
Wanay lala noqdaa
Qof ku waaniyaa
Wadiiqada xumaan
Kaa waabiyee
Samihiyo wiil yahay
Samihiyo farxadaa
U wel banee

Exit mobile version