Weligeed aduunyada
Wakhtigaa qof saacida
Ninna waayahaa xidha

Labadaasi waxaan ahayn
Hore looga waayoo
Waa nin iyo waagii

Anniguna wasiisiga
Waxan wayda la hayaa
Iigu wacan waxyeelada
Wiish may la sara tagay

Caashaqu wadaad male
Walalow na kuma hadho
Waan-waanna la kala tage

Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee
———————————–

Wiish bay la sara kacay
Wadadiina ka ambaday
Sida weel dalooshamay

Biyo looga wabiyaa
Waanadu i dhaaftaa
Culimada wanaagsani

Camma’ iyo watiiniyo
Wadduxaa oo idil
Hadday igu wareejaan
Walbahaarku ima dhibo

Caashaqu wadaad male
Walalow na kuma hadho
Waan-waanna la kala tage

Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee

Exit mobile version