Hibo waxaa tahay
Naq iyo doog
Nafaqiyo danbaa tahay

Nuurkii indhaha iyo
Nafta raaxadeediyo
Nagaadigeegii baa tahay

Nasiibkaygiyeey
Nidar waxan ku galayaa
Inaan nolol wadaagnee
Naagaba ku dhaafshee
Niyadaada taa gali

Hibo waxa tahay
Nasri iyo guur
Naruuriyo gobaa tahay

Neecaw udgoon loo
Nimco aan filaayoo
Naawilaayay baa tahay

Nasiibkaygiyeey
Nidar waxan ku galayaa
Inaan nolol wadaagnee
Naagaba ku dhaafshee
Niyadaada taa gali

Nasiibkaygiyeey
Nidar waxan ku galayaa
Inaan nolol wadaagnee
Naagaba ku dhaafshee
Niyadaada taa gali

Exit mobile version