dadba yaan isu diidin
laba dookhu is raacshay
kalgacayl isku doonay
yaa ugu deeqa wanaaga
yaa daneeya jacaylka
teeda yaan u darnaanin
isna tiisa daryeela
iyagoo isku duuban
doogjirtay dhayayaane
dadabiyo yay isugu hooyo
ducadaan kala raagin

allow yaa dun xariira
dal barwaaqo dhexdiisa
kaymo doogu hadhaysmay
darmada ugu balaadhsa
yaa durduursha samaanta
damaashaadka arooska
yaa abwaano u doona
ila diigu ciyaayo
daakiraayo wadaadku
fanaaniinta dalkoo dhan
yaa uu diyaarsh cawayska

Exit mobile version