bal ogow ilaahay
anba eersan maayee
haduu amarka keenana
cidi oofin maysee

waxaaan aaa ka leeyahay
ama aan la ooyaaa
gabi oogadaydiyo
ubucdayda hoosiyo
agagaarka beerkoo
naftu aamus diidee

bal ogow ayaamahan
anba kuma ilaawine
samirkii ayuunbaan
sugayaa markaygee

umuuraha jacaylkiyo
anoo aramidii moog
sidii la ii abaaray
hurdo layga kaa shiday
ogolow la i yidhi
ka adkaysan waayee

Exit mobile version