xubnaha qoraniyo hubqaadka
xaqdhawrkiyo erey samaanta
malaha waa xuural cayn
xalay ifka soo yar gaadhay

qalbiga xarunbaan ka siiyay
xeraan uga ooday maanka
xuliyo boqortooyo wweyi
sinjiga hoosaa xariira ah
dhabtii waa ruux dhabeela

codkeeda xabeebta laa
xasuusta igu reebayoo
xabiibi kolkaan idhaa
intay isha igu xaday
qunyari ii tidhaa xayaati

xushmada dhawaqiyo oraahda
xurmada dhaqankiyo dulqaadka
xijaabkiyo muuqa guudka
armay ku xinaysatay

xiskiyo waxaan siiyay maanka
kootaan uu xidhay bogayga
xaniyo uma quudhoo ceebe
xageeda markaan yar eego
wadnaha xoog ii garaaca

Exit mobile version