Dareen jacayl adaa abuuroo
Haweenkana aan kaa dhaxdoortee
Damqashada qalbiga awgaa
Intuu qaboobiyaan dareemee

Daydayaaga duurka joogaa
Axdigaan daalay cidloo dareemay
Dawo uraadshaa daruuf iheesiyo
Darmaan qurxoonoo dibada joogtaa
Dooqu raacaan soo duul iraahdaa

Darsiga laabta ha igu diidin
Dooxda caashaqa ila dawaaloo
Doon doonisteedaan halkaan iga deeqdee
Daqar u gooboon dawaan uwaayee
Naftaan dabiiboo daryeel bal maanta

Exit mobile version