VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhibkaaga - Lyrics

Dhacdada kuu muuqatiyo dharaarba wixii yimaada dhambaal weeyee bal eeg xikmada ku dhabaabanoo duruuftu waxbay dhigtaaye dhibkaaga waxuun ka baro dhamays noqon waa dadkuye ruuxii kugu dhaadanaaya dhexdiina wixii yimaada dhaliil qudha ha uga tagin Dhaqnka wacan iyo dadnimo qalbiga adoo ku dhaarshay samaha waligaa ku dhaado dhaleecada ruux ku jecel dhagxumay adna kugu tahee dhigaa ha ku dayin xumaan Dhugmaha garashada gartee dhaayuhu shaygaan arkeen aqoonta ku dhuux kaskoo rajada dhiman kaga bogsoo hankaaga ku dhiiri gali wixii dhiman yeelkadii dhadiyo roob lama simee adoon dhalanteed u bogin xaqiiqduna waa dhabtee ahoow dhayalsiga qof neceb Dhaqnka wacan iyo dadnimo qalbiga adoo ku dhaarshay samaha waligaa ku dhaado dhaleecada ruux ku jecel dhagxumay adna kugu tahee dhigaa ha ku dayin xumaan lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --