VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhibkaaga mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Xariir axmed
Dhibkaaga

Dhacdada kuu muuqatiyo
dharaarba wixii yimaada
dhambaal weeyee bal eeg
xikmada ku dhabaabanoo
duruuftu waxbay dhigtaaye
dhibkaaga waxuun ka baro
dhamays noqon waa dadkuye
ruuxii kugu dhaadanaaya
dhexdiina wixii yimaada
dhaliil qudha ha uga tagin

Dhaqnka wacan iyo dadnimo
qalbiga adoo ku dhaarshay
samaha waligaa ku dhaado
dhaleecada ruux ku jecel
dhagxumay adna kugu tahee
dhigaa ha ku dayin xumaan

Dhugmaha garashada gartee
dhaayuhu shaygaan arkeen
aqoonta ku dhuux kaskoo
rajada dhiman kaga bogsoo
hankaaga ku dhiiri gali
wixii dhiman yeelkadii
dhadiyo roob lama simee
adoon dhalanteed u bogin
xaqiiqduna waa dhabtee
ahoow dhayalsiga qof neceb

Dhaqnka wacan iyo dadnimo
qalbiga adoo ku dhaarshay
samaha waligaa ku dhaado
dhaleecada ruux ku jecel
dhagxumay adna kugu tahee
dhigaa ha ku dayin xumaan

lyrics by Ismacil Ahmed

codkii Xariir axmed