darmaan wacanoo dadnimiyo qurux daaim siiyaay
naf aad deeqdaa dadka kuu jecel
sidii damal baxay ubax daafiyoo dacalkayga yaal
maan daweeyoow kugu diirsaday

qalbi doojaay daymadaadan ku dawoobaa
kaan dugsanayoow dookha caashaqa ayaa igu ka dary

biya dahabaay nasab daahiroo la dugaashadaa
laab ku doontaan dumar kula simin
deeqsi wiilow kaan dubaaqiyo duunka ka raboow
raga dunidaad ugu wacan tahay
dun xariireey jacayl lagu dago kal u daacadaa
kugu duugane kaalay daadihi
geesi damacloow qalbi door biday inu kula daga
kuu diyaare kaalay daadihi

Exit mobile version