Midaan daydayaayeen
Daymadeeda quruxda le
Iga deeqday dumarkaba
Mar haday i diiday
Ma i dayn jacaylyow
Bal inaan dawoobo

Ilayn diraadiraaluhu
Labuu kala duleeyaa
Dalanbaab jacayl
Midba gees u dira oo
Kala dila ma waayee

Dookhaygaa wareerkiyo
Ila doontay dabinkee
Daacad iyo dumar
Ala kala dheeraa

Midaan daydayaayee
Dabiibkayga moodee
Naftu ay ku daashew
Damucu i raacshaa
Waa daruur hilaacdoo
Misna aan da'ayne

Dookhiyo naftaydii
Samirbay darseene
Duni nabad ku joog
Ana doogta caashaqa
Mid dawaysa waan heli

Exit mobile version