Haybadda muuqiyo hiddaha sugan
Hanaankiyo quruxda heerkaleh
Haween loo bogay
Habiyo dhaqan 2x

Hablaha loo qiray hal doorsami
Hablaha xurmadiyo xishood hufan
Hablaha lagu hubo haniyo sharaf
Horweeyn geeliyo hantida dhaban
Hablaha mudanee
Haldoor gayaan 2x

Hablaha gayigan u heer wacan
Hubaal dhagax buurna laga helo
qofkii halacsadaan hilmaaminoo
Wixii hodanee hagoog malahee
Haybadda lagu laray hablaha jarar
Markhaati habla ah baa loo heli 2x

Hablaha qotonkiyo hubqaad sami
Habla guri biloo lahaybasadoo
Hidaha dhaqankiina lagu hubo
Hablaha sida heega roobaad
Hablaha nin helaa harraad baxo
Hablaha aan la hurin hammiga guur
Horweeyn geeliyo hantida dhaban hablaha mudaneey
Haldoor gayaan 2x

Hablaha gayigan u heer wacan
Hubaal dhagax buurna laga helo
qofkii halacsadaan hilmaaminoo
Wixii hodanee hagoog malahee
Haybadda lagu laray hablaha jarar
Markhaati hablaaaaba loo heli 2x

Exit mobile version