Hadaan quruxdeeda
Siduu qotankeeda
QAADIRKU u abuuray
Qormada ku saleeyo
Qayrkaa hablahoo dhan
Adaa qiimo dhaafay
Qofnimo la amaano
Adaa dad u qaaday

Jigjiga qaayaheeda
Gobyahay lagu qeexay
Hablaha qabri bayax
Hodaneey qof ku gaadha
Qarnigan lama sheegin

Hadii qormo guurka
Qof nool lala doonto
Adaa ugu qoodhsan
Hablaha la qorshaysto
Hadii qawl wanaaga
Qalanjo lagu doorto
Adaa qalbi deeqa
Qarnigan ku amaanan

Exit mobile version