hir magoolay
dadku hiisay
hadhac doogle
hadhsigiisa la hiladi

roob hilaac hogoshasiisa
halku caawa cirku hooro
cigsigiisa dadku haybi
oo hayaanku u huleele

huda gaari hanaankedu
hormuud weeyi
waa horseedka
hablaha oo dhan
qurux hayb leh

u horayso huda sugan
loo hibeeyay loo hibee

huda gaari hantigeelaa
niman haysan
helideeda helideeda
ma hawysto

hadalkeeda hufnaantiisa
hadma ruuxa hor istaaga
kaama haago agxishoodka
hagoogteeda ma hilmaamo

huda gaari hanaankedu
hormuud weeyi
waa horseedka
hablaha oo dhan
qurux hayb leh

Exit mobile version