sida oogta ololkeedu
u iftiinsho agagaarka
ina weeyi aduunkoo dhan
ilayskeeda dadku eegto

ikran weeyi magaceedu
ubax weeyi arageedu
udug weeyi indho kuula
asal weeyi dhaladkeedu
ogob weeyi isirkedu

waa qureyshta ifka joogta
ugub weeyi ayan dhalad
asluub weeyi dhaqankeedu
akhyaar weeyi ixtiraam leh

eraygeedu waa odhaahsan
waa adeeca ehlu khayra
isku sheegay edebteeda
oori weeyi nin ayaan lehe
gaari weeyi astaanteedu

Exit mobile version