markii aad ilaaqdiyo
ku casuuntay eedaha
cuqdad kuuma qaadee
makaad erido maantay
bari soo ilowdaa

awoodayda maahee
hadii ay ayaan qudha
ogoshay naftaydani
jacaylka inay ilowdo
sow ilinta caashaqa
indhaha burqanaya
oohin kama dardaareen

sow aramidaan qabo
oo waahdiyo lurkeedan
dadku igu oaadeen
intaan aaso gabigeed
ma bareen adkaysiga
uurkan adiga kuu nugul

qalbigaygan oomane
lagu falay agtaaduun
sow kama ilaasheen
aqalkiyo rugtiiinoo
intaan dhacan ku oodoo
samir samir kuma af dubeen

wayse iga adkaatoo
eed kuma laha qudhani
adoo uurka iga neceb
ana kuugu jecele
sida gaadh ilaalo ah
isha kuugu haystaa

dookhaa indhah tiray
mana argto gabigood
inta gabadh ilwaadlee
kula siman asaagaa

Exit mobile version