ubaxii qalbiga deeqdaybaad aaminaay tahayee
indhahaa ku doogsada mahuumooy aragtidaayee
agtayda ha ka dheeraan naftaad oonbaxeed tahayee

aayahayga noloshaad tohoo aanan ilaawaynee
adigaan ifkaba kuu jeclahay noolohoo idilee
indhahaygu ma qabtaan aadmi kale adiga mooyaane

iftiinkii cadceedaay nafluhu kala ayaan roonee
amaan waxaa le eebahay kaa dhigay ooridayeey

raga caaqilkiisoow nafluhu kala ayaan roonee
inaan ul iyo diirkeed nahay eebe mahadi dhe

qurux loo idleeyey dhamays aaminaad tehee
asluubtiyo xishoodkaga iyo edebsamaantaada
ayaad aynigaa dheertohoo huuno kuu qirayeey

aniguba hadaanan ku arag inbaa i maqanee
sida eeri dhabankoo kalaan kuugu ololaaye
indheer garad jacayl inaad tohoo uunku kuu qiraye

Exit mobile version