VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iska eeg - Lyrics

Imisaan ku lahaa ha i dhaafin Bal adkee wacadkoo ha iloobin Imisaan ku lahaa ana baaloo Ubixii qalaloo ha istaago 2x Imisaan ku lahaa aduunkeena Adigoo kaliyaa ku abuuran Imisaan ku lahaa aynigaaba Lama keenin ifkoo lama uumin 2x Waad ahaataye sow ma arkaysid Nafsigii ku abaar ma ogsoonid Ana kuuma hayoo midhabaale Iska eeg wadadoo u banee bal 2x Imisaan ku lahaa ha ilduufin Eraygaan ku idhaa ha ambaanin Imisaan ku lahaa haba aadin Iridaasi ka baydh ha istaagin 2x Ninkaad aad arkaysaa ima iisho Si kastoo usha loola dhacaayo Ma yidhaahdo axdoo abidkiiba Qofkii aan u ogan uma ooyo 2x Waad ahaataye sow ma arkaysid Nafsigii ku abaar ma ogsoonid Ana kuuma hayoo midhabaale Iska eeg wadadoo u banee bal 3x
Queue is empty
-- / --