jeclaanshaha ereyadaada
ku jeel baxa ereyadaaad
ku jiibsiga xiisahaaga
waxaan ku jaaala naftayda

adkee wada joogisteena
joogtee wada socoshaheena
inaga is jeclaansheheena
ka dhigo jadwalkaaga gaarka ah

janaan u arkaa agtaada
jalbaan u qabaa codkaaga
hor joogiyo daawadkaaga
najaxeey ku bartaa jacaylka
huunooy ku bartaa jacaylka

jaahaaga horaa i deeqay
jidhkaagaana naxaa i daaray
jacaylka dhabta ah dareemay
xiskaad la jirtaa ku doortay

naftaada la jaaristeeda
uurka jaleecistiisa
waxaan ka helaa jacayle
halkaad joogtaba hamuun qoo

Exit mobile version