labaa isku heelanaaday
labaa hoobaan wadaagay
labaa hoy wada yagleelay
jacayl ka labaa horseeday
2x

hidiyo dhaqankaa bisheene
markuu hamigii rumoobay
daruuro sanbaa ku hooray
halkii lagu soo hibeeyey
daruuro sanbaa ku hooray
halkii lagu soo hibeeyey
x2

halyay maxamed baa caruusaa
caruusa oo caruusa
asmaa hantidoo u heelan
u heelan oo u heelan
2x

heerkii ugu wada sareeyey
dadkii hambalyay direene
ducada hooyoo badhaadha
ducada hooyoo badhaadha
ducada hooyoo badhaadha
ducada hooyoo badhaadha
2x

labaa hadhsanaayay geedka
labaa hoostiisa jooga
midhahaa hohobtee bislaaday
labaa hirqanaaya maanta
2x

hanka dadka dheertihiine
hilinka guushiyo wanaaga
hiigsiiga noloshaa tihiine
horseed abidkiin ahaada
hiigsiiga noloshaa tihiine
horseed abidkiin ahaada
2x

halyay maxamed baa caruusaa
caruusa oo caruusa
asmaa hantidoo u heelan
u heelan oo u heelan
x2
heerkii ugu wada sareeyey
dadkii hambalyay direene
ducada hooyoo badhaadha
ducada hooyoo badhaadha
ducada hooyoo badhaadha
ducada hooyoo badhaadha
x2

Exit mobile version