midab quruxeey muuq wanaageey
inagoo mid ah oo mataano ah
markay nacabkeenu maqlaan
ku mashquulkiyo mixnadoodii
meel ay geeyaan markay waayaan
murugo iyo ciil ha mutaystaan

muxibadaan marwooyo kuu qabo
kol aan miisaan mar is idhi saaraa
muxibadaan marwooyo kuu qabo
kol aan miisaan mar is idhi saaraa
ka mug waynaa ala masalkii kala
sida malabkaan ala ku muudsan lahaa
murmurcoodkiyo sida midhihii
liin macaantaan ku miiran lahaa

kolkaan meel kula joogo macaan
wax mushaakil ah ma dareemoo
waan maquudaa markaan ku arkoo
miyirkaygaad miciin u tahoo
muftaax adigaa u ah maankoo
maskaxdayana mulkiyoo dagay
muftaax adigaa u ah maankoo
maskaxdayana mulkiyoo dagay

mudantaan dumar ka madhaay midigtaay
midigtaan bidixda ka maarmayn
mudantaan dumar ka madhaay midigtaay
midigtaan bidixda ka maarmayn
dadka marag iyo oo markhaatiya
inagoo mida aan mushaaxnoo
kii masayrana ma huraaneey
maca salaamaynta aan u muujino
kii masayrana ma huraaneey
maca salaamaynta aan u muujino
maca salaamaynta aan u muujino
maca salaamaynta aan u muujino

Exit mobile version