Lilaahibaan kuu qabee
Lugooyaad igu ahayd
Anoo Laabta kugu hayaad
Adigu luxudka I gaysay
Hadaad iiloogtay cadaw
Amase laali aad fuushay
Bariba laagta waad kusoo dhici
Lurkiyo dibin daabyadun
Ilmadu libiqsi yeelkadaa noqon

Madheedh iyo laama ubax
markaan Wada laactamaynay
Amase lilalawda beenta ah
Aniga liishaan isaartay

Hadaad iiloogtay cadaw
Amase laali aad fuushay
Bariba laagta waad kusoo dhici
Lurkiyo dibin daabyaduna
Ilmadu libiqsi yeelkadaa noqon

Exit mobile version