midii an doortaay
mudan haweneey
muuqaaga raadshoo
kugu mabsuudee
miirka noloshiyo
ilsan macaaneey
xubigan miisaan
kaama maarmee
jacaylkan maaxdee
maqnaanta diiday
hurdo ka maagee
hawaawi meeray
riyo muquurtoo
habeen ku maalay
nolol macaanoo
maanka deeqdaan
meel la joogaa
kumee macaaneey
kumee macaaneey
ilsan kumee

quudhayda meeshaad
maanta joogtay
kugu muraaqoon
ooy mushaaxiye
maqalka dhagahuna
ilsan macaaneey
maalina waayin
kaama maarmee
jacaylkan maaxdee
maqnaanta diidee
hurdo ka maagee
hawaawi mmeeray
riyo muquurtoo
habeen ku maalay
nolol muhiimoo
maanka deeqdaan
meel la joogaa
kumee macaaneey

Exit mobile version