Niyadan ku rabtee qushuucsan
Naruuraad u tahay shifaysan
Nidaamka lagu gaadho reersan
Nafiisaay inagaa isu raacsan

Naf qaybsigeenaa tusmaysan
Nadarka dhaayaha jibaysan
Nabaad u tahay ilwaadsan

Nasriga soo dagaaya goorsan
Nasiibkaa sidee wanaagsan
Nafiisaay adigoo garawsan
Niyayso naftan kuu hibaysan

Namiimka labadii midaysan
Naxliga dhex dhigee habawsan
Nafiisaay noqo tii ka dhawrsan
Nacab yaanu ku duufsan

Nuurkii caashaqaa siraadsan
Natiijo wacanbaa aloosan
Neecawda guurkaad ku nuursan

Exit mobile version