caashaqu xaqdhawriyo
xurmiyo karaamiyo
xaq wuxuu lahaan jiray
kama hayo xagaagee
maxaan kugu xigtaystaa

ma xumaanta digashiyo
xujadiyo lurkaagaan
xiiso kuugu qaada
xajiin kama dhamaatide

xurguf la isu sooriyo
haduu xaalku laakimo
la xidhiidho waa nool
xubi kuma siyaadee
xiskuunbaa nacaybiyo
naxli sii xantoobsada

xaashee kalgacalkii
samo looga xilan jiray
xayndaabkii gobonimo
waadigan xabaale
maxaan kuugu xer dhigan

xiligii la joogaba
xagal daacsi mooyee
xushmo kaama dhaafee
nacab igu xariirtaa

Exit mobile version