Nuuraay kal daweeya noqo
Nimcada aan ku raysto noqo
Naruuro wanaagsan noqo
Naaxiya qalbi ooman noqo

Naftayda nafteeda noqo
Nasteex caashaqa u naqo
Nuurkii kalgacaylka noqo
Nolosha farxadeeda noqo

Nuuraay qalbigayga noqo
Nudaha beerkayga noqo
Nasriga rajadayda noqo

Naciimo hagaagsan noqo
Neecow hawo diiran noqo
Midaan ku nagaado noqo
Iftiinka naftayda noqo

Exit mobile version