VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Onkad - Lyrics

hadaad il biy leh ahaani lahayd aniga oo asqoobay ku imaani lahaa sidaan u arkayo waa i oomin layd naftayda ulashada odhaahda kalgacal adiga inanyahay ilmaysay dartaa siday kuu ilawdo maxaad odhan layd ku aamus waliba ku adkayni lahayd hadaad ubax tahay aadmigu jecel yahay quruxdaan arkayaad iga awdi lahayd si aan u ildoogsan yaad abaarsan lahayd naftayda ulashada odhaahda kalgacal adiga inanyahay ilmaysay dartaa si ay ku ilawdo maxaad odhan lahayd ku aamus waliba ku adkayni lahayd hadaad roob onkoday ahaani lahayd amase dhul ugbaadle adigu noqon layd oo sankaygaad udgoonka ka oodi lahayd naftaydan ulashada odhaahda kalgacal adiga inanyahay ilmaysay dartaa si ay ku ilawdo maxaad odhan lahayd ku aamus waliba ku adkayni lahayd
Queue is empty
-- / --