qureshti haweenkaay qurux hodanbaad ka tahay
qiimaynta dadnimadan kugu qaatay qaali
qudhaydii kuraacdaa kaa quusan waydoo
waan kuu qushuucoo igu qaali baad tahay
habeenkuubaan qarwaa qariyo buurahaan jafa
qardoofaha jacaylka iyo qiiradiisiiban qabaa
qoraxay inan ku nool ayuu qalbigu doonayaa
qudhaydaa maaganoo bartaaban kala qoslaa
qadarinta mudanbaad qayrkaa ku dhaaftoo
qof igu dheeroo aan qaa ibaad tahay
sida qaansa roobaan ku qooraansadaayoo
qawlkaaga wacanbaa wadnahayga qayb dagay

Exit mobile version