Qaayo sharaf iyo qiimo
Badanay qoontii awgaa
Qabowgii diidoo qudhu
Kaligaa kuu qushucdaye
X2

Adna qalanjoy qaali
Dumaray qacdii aragtida
Waan qandhoodoo qosol kaaguna qiiro igu reeb
X2

Afku qadow iyo qalmad-
Oobay kuuma quuroo
Quusan maayee qaadir
Eebahay ha iikaa qoro
X2

Nimco quruxay qalbi
Nuuraay adaa qayrkaa
Qaayo dhaafoo qudhu
Kaligaa kuu qushucdaye
X2

Qooftan kaagiyo qaabka
Jooguna waa qureeshtii
Qoraxay taal quruxdoo
Idil lagu qeexaay x2

Afku qadow iyo qalmad-
Oobay kuuma quuroo
Quusan maayee qaadir
Eebahay ha iikaa qoro
X2

Qaali sharaf iyo qiimo
Badanay qoontii awgaa
Qabowgii diidoo qudhu
Kaligaa kuu qushucdaye
X2

Adna qalanjoy qaali
Dumaray qacdii aragtida
Waan qandhoodoo qosol kaaguna qiiro igu reeb
X2

Afku qadow iyo qalmad-
Oobay kuuma quuroo
Quusan maayee qaadir
Eebahay ha iikaa qoro
X2

Exit mobile version