maalintaan ku dhawrayee
dhaayuhu kuu baahdeen
dhamaysay agtaaduun
markaad i dhawdahaan
ahay ruux dhamaysee

dhimirkiyo dareenkiyo
qalbigaad ku dhigantee
sidaad iigu dheertay
la'aantaa dhigaygow
dhadhan noloshu iima le

dhiigaygaad ku saaqdoo
dheemantii naftaydaay
dharaartaan ku waayaba
waan isu dhex yaacaa

anba waan dhanbalanahay
oo waan dhantaalnahay
dhabtii hadaan ku waayana
waan isu dhex yaacaa

caashaqu dhexdeeniyo
dhiigu ku milanyoo
la isku keen dhex maray
xiiseey ha iga dheeraan
la'aantaa dhib weeyee

caashaqu dhexdeeniyo
dhiigu ku milanyoo
la isku keen dhex maray
xariirow ha iga dheeraan
la'aantaa dhib weeyee

niyadaad ku dhibicdoo
dhanbaalaha jacaylkee
xiisuhu ku dhiganyahay
xagaagaan u tabiyaa

farxadaan dhamaaniyo
ruuxda dhiiri galisaayo
maankaad dhaydaayoo
muuqaagu waa dheef

Exit mobile version