geelaygu shanbuu ahaa
gacantayda labaa ku jira
sadexna way iga gadmeen
gabadhna waan jecelahoo
inaan guursadaan rabaa

hasaawe markaan la galay
go'aankii waxay i tidhi
gacmaha iyo madaxa iyo
lugaha EEBE kugu galaday
kolkaad isu gaysidbaad
i guursan kartaa aniga

gabadhu hadalkay tidhiyo
su'aashu garashay rabtaa
jacaylkuna wuu gubayee
baadidaan goobayana
markaan raadkeeda guro
gidaarbaa isoo ceshee
gobeey ila taliya oo
sideebaan uga gudbaa

yartaan gacaltooyadiyo
jacaylkan i galay u qabo
xusuustayda kama gam'oo
inaan guri wadaagno iyo
rajaan u guclaynayaa

baadidu goobtay jirtiyo
haybadeedii ma gees marine
ragbaa xero gaysta oo
geelaygii waxa hantiyay
gardaro garab haysatoo
gartuna galin kana baxayn

Exit mobile version