Adaan xulashada gayaanka
Xurmooy kaala baxay
Intaan kugu xidhay xiskayga
Xaqiiq kugu qoray bogayga

Tamaam xaragadiyo muuqa
Xariirbaad tahay dhamaysa
Maankaa ku xasilay agtaada

Anigoon xaqirayn dareenka
Xasuustiyo laab kacdoonka
Xiisahan ku nagaaday laabta
Adaa ku xawilaaya maanka

Adaa xidigyahay dhigaaga
Dabciga wacaniyo xishoodka
Ku dhaaftay xaawalay asluubta
Xulkii waxaad tahay qarniga

Exit mobile version