xafiday dajiyay xaqdhowra
xasilay asturay i xanaanshay
i xusa i kabaay
xala maanka
xaliyay xil guta i gargaara

xukama i ahabyaay i xurmeya
xaruntii qalbigay xiiso belay
xigmadii noloshay xaladeeya
xarfiyo qabooiya xabadkayga

xididadiyo wadnahayga
xibigiyo kalgacaylka ku xoogan
xajiyay kasbaday xilahayga
xariirtii dunidoo ii xalaalay
xuuralcayn hanatay xiska deeqday

xawayladeyda aduunka xulkooda
xabada kaligeed xiligeenan
qurux aan xad lahay loo cantobshay
xarageen kaligeed loo xanbaarshay

xidigay sharafey xuma diiday
xilkase gaariye samo xershay
xabxabeey daganey qalbi xaadhan
xardhanay qalbiye may xayaati

xididadiyo wadnahayga
xibigiyo kalgacaylka ku xoogan
xajiyay kasbaday xilahayga
xariirtii dunidoo ii xalaalay
xuuralcayn hanatay xiska deeqday

Exit mobile version